Xogag hoose oo aan ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa cadeynaya inay jiraan xubno miiska u saran Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud inuu u magacaabo jagada Wasiirka 1-aad kuwaasoo la filayo inuu magacaabo Madaxweynaha.
1-Prof.Ismaaciil Max’uud Hurre Buubaa oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ahaa Dowladihii ay Madaxweynayaasha ka ahaayeen C/qaasim Salaad Xasan iyo Marxuum C/laahi Yuusuf, kana soo jeeda Magaalada Hargeysa.
2-Prof. Maxamed Gaas: Waa Aqoonyahan laga ixtiraamo wadamadda Iskandaneefiyaanka, wuxuuna barre ka yahay Jaamacad ku taal Dalka Norway,waana khabiir wax laga weydiiyo arimaha Geeska Afrika, Professorka ayaa hadda degan Dalka Norway
.
3-Maxamed Sheekh (Doodishe)waa Professor macalin ka ahaan jiray Dalka Sudan, wuxuuna ka mid yahay madaxda ugu sareeyso Ururka Damjadiid, wuxuu ka soo jeedaa Gobolka Gedo.
4-Dr Cismaan Galti: waa aqoonyahan dhalinyaro ah, kana so shaqeeyay Bangga Aduunka ee IMF, iyo Hey’addo Caalami sida UNDP iyo UNIPOS, waxaana lagu xasuustaa inuu madax u ahaa Kooxdii IGAD ee shirkii dib u heshiisiinta ee Eldoret ee Xukuumadii Madaxweyne C/laahi Yusuf lagu soo dhisay, wuxuuna ka soo jeedaa Puntland
5-Xuseen Cabdi Xalane: Wuxuu ahaa Wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumadii Farmaajo, mas’uulkan ayaa madax ka ah Ururka Save the Children ee Geeska Afrika.
Siyaasiga Ismaaciil Buubaa oo kasoo jeeda Gobolada Waqooyi Somaliland ayaa la xaqiinayaa in Madaxtooyada loogu arko shaqsi siyaasi mudan in loo magacaabo Jagada Wasiirka 1-aad, dalalka Soomaaliya daneeya ayaa si weyn u doonaya in Jagada Ra’isulwasaare la siiyo Siyaasi kasoo jeeda Gobolada Waqooyi arintan ayaa si weyn waxaa ugu ololeynaya dalalka arimaha soomaaliya si weyn loogu qadiriyo oo kala ah dalalka Ingiriiska, Turki, Qadar iyo Jabuuti kuwaasoo donaya in 53-sano ka dib loo qeybsado jagooyinka Qaran labadii Gobo lee soomaaliya.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.