Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ku sugan magaalada Brussles kana mid ah mudanayaal baarlamanka Soomaaliya uga qeyb galaya shir ka dhacaya magaalada Brussles ayaa sheegay in shirkaasi looga hadlay khatarta Miinooyinka iyo dhibaatada ay haraadiga walxaha qarxa ku hayaan qaarada Africa.
Prof. Dhalxa ayaa sheegay in Shirki London uu ahaa shirka horumarinta dhaqaalaha dunida Muslimka ayna ka qeybgaleen 21 dal waxana furay Ra’isal wasaaraha Britain, sidoo kale Xildhibaan Dhalxa ayaa sidoo kale sheegay in Shirkii Brussles looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa miinooyinka daadsan qaarada Afrika.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in marka ay dalka dib ugu soo laabtaan ay baarlamanka siin doonaan xog buuxda oo ku saabsan shirarkii ay uga soo qeyb galeenLondon iyo Brussles iyo waxyaabihii ka soo baxay.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.