Dowlada Imaaraadka carabta ayaa maanta Deeq Isugu Jirta Gawaari iyo Darees ciidan waxay soo gaarsiisay Dowlada federaalka Soomaaliya waxaana munaasabado qalabkaasi lagu gudoomayay ay ka kala dheceen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Dekada Muqdisho iyo Xarunta Safaarada Imaaraadka ee Soomaaliya
Deeqdaan oo ka koobneyd 10 gaari oo kuwa Ciidamada ah, 4 gaari oo ah kuwa madaxda ay ku socdaan oo aan xabaduhu kareyn, 2 dab damis ah 1 ambalaas iyo 5 kun oo dareeska Ciidamada ah ayey Dowlada Imaaraadka ugu Deeqday Dowlada Soomaaliya.
Wasiirka arimaha Gudaha iyo Amniga ee Xukuumada Soomaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Ka Gudoomay Dowladda Imaaraadka Carabta deeqdan isugu jirta Gaadiidka iyo Dareeska Ciidamada, isagoona ugu mahad celiyay, sidoo kale Wasiirka waxa uu tilmaamay inay wax badan ku soo kordhin doonaan sugidda ammaanka dalka.
Safiirka Dowlada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya u fadhiya Maxamed Cusmaan ayaa ka hadlay isna deeqda ay dowladiisu ugu talagashay Dowladda Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta amniga dalka, isagoo xusay in ay sii wadayaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.