Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaare Saacid oo isku mari la inuu iscasilo Ra’isul wasaaraha iyo khilaaf arrinkaasi ka taagan

xeydar November 11, 2013 Comments Off
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaare Saacid oo isku mari la inuu iscasilo Ra’isul wasaaraha iyo khilaaf arrinkaasi ka taagan

Waxaa sii xoogeestay qilaafka ka dhax aloosan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid), khilaafka labada Masuul ayaa salka ku haya isbadal muuqda oo lagu sameeo Xukuumada hada jirta iyadoona Madxaweynaha oo u yeeray R/Wasaaraha kana dalbaday in uu booska baneeyo isna casilo si isbadal Muuqda Xukuumada loogu sameeyo.

 

R/Wasaare Saacid ayaa wax kama jiraan kasoo qaaday Dalabka Madaxweynaha ee ku aadan in uu iscasilo, waxa uuna taa badalkeeda Madaxweynaha ku wargaliyay in isbadal uu kusameeyo Golaha Wasiirada tirda hada jirtana laga balaariyo.

 
Mr. Saacid ayaa sidoo kale Madaxweynaha ka dalbaday in uu u madax baneeyo Howsha Xukuumada si uu usameeyo isbadal muuqda , waxa uuna R/Wasaaraha kol hore diyaariyay Liiska Golaha Wasiirada uu doonayay in uu magacaabo waxa uuna u gudbiyay Madaxweynaha hasa ahaate madaxweynaha ayaa dib usoo celiyay Liiskaasi kadib markii uu ka waayay xubno muhiim ah oo katirsanaa Xisbigiisa sida Wasiirka Madaxtooyada.

 
R/Wasaaraha oo hada u muuqda nin yeeshay saaxiibo Siyaasada kala taliya ayaa diidan in uu magacaabo Liis uu Madaxweynaha usoo yeeriyo waxa uuna taa badalkeeda dalbaday in Wasiirada uu Magacaabayo ay noqdaan kuwa isaga ka mar qaadan kara uu soo xulo lagana gudbay xiligii xisbi iyo saaxiib wax laga dhigi lahaa.

 
Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha ayaa ku balamay in ay kulan kale isugu yimaadana si loo xaliyo Khilaafka iminka ka dhaxeeya oo noqday mid banaanka usoo baxay waxaana labada Xafiis laga dareemayaa mashquul aad u badan oo ku aadan mad madowga Siyaasadeed ee Madaxtooyada kajira, xiliyadan oo kale waxaa jaanis u tahay aadna u Jecel Xildhibaanada Baaramaanka Soomaaliya oo loo furo ilbaabada Xafiisyada Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha, waxaana jira Xildhibaano labada dhinac kulamo la qaateen ay ka dhaadhiciyeen fikirkooda Siyaasadeed.
Xildhibaan katirsan Baarlamaanka si weyna ula socda Khilaafka Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha ayaa noo sheegay in Madaxweynuhu ku adkeesanayo in R/Wasaaraha uu meesha ka baxo uu is casilo waxa uuna Mudanahan xusay in R/Wasaaraha uu codsaday in uu kasoo fikiro ilaa Sadax maalin oo maanta ay ku egtahay.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

 

Comments are closed.