Warar ku dhow dhow xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in kulan habeen hore ku dhexmaray Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon {Saacid} uu fashil ku dhamaaday kulankaasi oo ahaa mid Xasaasi ah, sida warku sheegaayo kulanka labada masuul dhax maray ayaa ujeedkiisu ahaa sidii ay iskula meel dhigi lahaayeen tirada Wasiirada ay ka koobnaaneyso xukuumadda cusub ee la soo dhisayo iyo xubnaha ka mid noqonaya golaha wasiirada Cusub,gar haan xubnaha kusoo laabanaya golaha wasiiradda hadda shaqeeya, kuwaas oo la sheegay inay labada nin si weyn ugu kala aragtiduwan yihiin.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha uu mid waliba doonayo in qaar ka mid ah wasiirada hadda shaqeeya oo isagu jeclyahay amaba uu u arko inay kartileeyihiin dib loo soo celiyo laguna soo daro golaha wasiiradda cusub, inkastoo ay sidoo kale ku kala aragti duwanyihiin in wasiirada gaar laga tago oo aanba lagu soo darin golaha wasiirada cusub ee Xukuumadda Soomaaliya.
Warar kale ayaa sheegaya in murankan uu ku saabsanyahay soo jeedin ka timid madaxweynaha oo ku saabsan in wasiirka koowaad uu xilka baneeyo, bedelkiisana, Ra’isul wasaare cusub la sameeyo, taas oo uu gaashaanka ku dhuftay Ra’isul wasaaruhu taas oo keentay inay labada nin shirkii gaarka ahaa oo ay yeesheen habeen hore lagu kala kaco, mana jirto cid si rasmi ah warkan dambe u xaqiijineysa
Warar kale oo aan iyagana la xaqiijin ayaa sheeya in khilaafka labada nin uu salka ku hayo arrimaha jubbooyinka oo dhawaan shir loogu qabtay qaar ka mid dhinacyda iskuhaya ,taas oo ay sidoo kale madaxweynha iyo ra,iisulwasaaruhu ku kala argtiduwaandeen qodobada qaarkood .laakiin ma jirto iyana cid si rasmi ah u xaqiijineysa jiritaanka warkan ee kale ee sheegaya khilaafka labada mas,uul.
Ugu dambeyntii kala aragti duwanaanta la sheegay inay u dhaxayso labada nin ayaa sababtay in ay dib u dhacdo dhowr jeer ku dhawaqidda golaha wasiirada cusub oo la doonayo in la badiyo,islamarkaasna isku shaandheyn lagu sameeyo golihii wasiirada ee horey u shaqeynayey kuwaas oo qaarkood ay isku hayeen 5-6 wasaaradood,waxayna wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in dad magacku leh dowladda soomaaliya ay labada nin ku dhexjiraan si la isugu soo dhaweeyo,taas oo haddii lagu guuleysanwaayo ay dhicikarto in mid kood uu baarlamaanka arrintan geeyo ,kadibna uu baarlamaanka cod ku kala saaro.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.