Xilliga la qabanayo caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo la shaaciyey

xeydar September 13, 2012 Comments Off
Xilliga la qabanayo caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo la shaaciyey

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shalay sheegay in la caleemo saari doono todobadka soo socda, ka dib markii Isniintii todobaadkan uu cod aqlabiyad ah kaga adkaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Prof. Jawaari ayaa sheegay in go’aankan ay gaareen Guddoonka Baarlamaanka ayna gaarsiiyeen Xildhibaanada Baarlamanka, balse si rasmi ah uma uusan sheegin halka ay ka dhacayso xaflada caleemo-saarka ah.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caleemo-saarkiisa ka dib si rasmi ah ula wareegi doona talada dalka ayaa wuxuu wajahayaa howl adag, kuwaas oo ay ka mid tahay sugidda amaanka iyo dib u dhiska dalka.
Caleemo saarka ayaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan wufuud kala duwan oo ka socda caalamka, iyadoo caleemo saarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ka dhaca Soomaaliya muddo afartameeyo sano ka badan, sidoo kale madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa noqonaya kii seddexaad oo uu si xor u soo doortaan xildhibaannada Soomaaliyeed tan iyo sanadkii 1967-kii oo Baarlamaankii xilligaas uu madaxweynaha dalka u doortay C/rashiid Cali Sharma’arke.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.