Saxaafadda madaxa banana ee ka howlgasho dalka gudahisia gaar ahaan kuwa magaalada muqdisho iyo gobolada dalka ayaa si weyn uga soo horjeestay abaal marin la sheegay in ay wadaan hay’adaha QM qaarkood kuwaasoo la sheegay in warbaahinta qaar la siinayo.
Saxaafadda xorta ah ayaa ku wada tashtay in ay ka joogsadaan oo aysan ka qeyyn galin abaalmarintaan la sheegay in ay tahay mid lagu been abuuranayo saxafiyiinta Soomaaliyeed lana doonayo lagu marin habaabiyo si lagu dhaawaco magaca iyo sumcada ay leedahay saxaafadda xorta ah.
Saxaafadda ka howlgasha magaalooyinta Gaalkacyo, Baydhabo Jowhar, Beledweyne ayaa la qabo fikirkaan saxaafadda xorta ah ee ka howlgasha magaalada Muqdisho oo si weyn uga soo horjeesatay abaalmarintaan la sheegay in lagu naas nuujiro shaqsiyaan aan ehel u aheyn saxaafadda madaxa-banaan ee Soomaaliyeed.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.