Xildhibaan Xuseen Max’uud Muuse (Xuseen Bantu) oo ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha Soomaaliya u raacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose kaas oo shalay galbtii dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa sheegay inay la soo kulmeen wax aysan filanayn, mudanaha ayaa sheegay in dadka Jubbooyinka ay ka caban jireen inuusan u imaanayn madaxweynaha Soomaaliya, sidaa daraadeedna aysan aqoonsan karin waxyaabaha kasoo baxaya dowladda dhexe, balse ay aad ugu farxeen markii uu madaxweynuhu booqday magaaladaas.
“Socdaalka ujeeddadiisa ugu weyn waxay ahayd in dadka Jubbooyinka ku nool la qanciyo, looguna tago guryahooda,” ayuu yiri Xuseen Bantuu oo intaasi ku daray in kulammo ay la yeesheen mas’uuliyiinta Jubba oo uu ugu horeeyo Sheekh Axmed Madoobe ayna isku af-garteen wixii lagu soo qaaday kulanka, taasoo uu ku tilmaamay guul weyn, “Aniga afar jeer ayaan Kismaayo tagay anigoo la socda wufuud kala duwan oo dowalddu u dirtay halkaas oo uu ku jiray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, balse rajada maanta ii muuqata waa mid aad u weyn”.
Mar la weydiiyay in shirka dhameystirka heshiiskii Addis Ababa wajigiisii hore uu maanta ka fumi doono Muqdisho iyo in kale ayuu sheegay in ogaalkiisa uu furmi doono shirkaas, balse uusan sheegin karin waxa isbedeli kara, aysanna jirin wax dib u dhac ah oo uu maqlay, wuxuuna yiri “Waxyaabihii ugu waaweynaa ee kulammadii dhacay looga hadlay waxaa ka mid ahaa xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka KMG ah ee hadda dhismi doona iyo in dadweynaha la akro oo la raalli-geliyo uuna u yimid madaxweynaha uuna u imaan karo, waxaana qabigooda laga dhaqayay in madaxweynuhu uusan u imaanayn”.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ku guuleystay inuu qanciyo shacabka Jubbooyinka iyo maamulkooda, maadaama ay horay dhowr jeer u baaqatay socdaal uu madaxweynuhu halkaasi ku tagi lahaa, isagoo xusay inaysan shuruudo kale la imaan doonin haddii ay la yimaaddaanna ay yihiin kuwo aan doonayn inay wax dhismaan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.