Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee la eegtay Hotelkii uu ka deganaa magaalada Muqdisho xilli uu la shirayay wasiirka arrimaha dibadda Kenya.
Madaxweynuhu waxa uu cambaareeyay weerarkaas is qarxinta ahaa oo Shalayto lagu qaaday Hotelkaas oo isagu degenaa, isla markaana uu shirk u lahaa.
Xasan Sheekh oo ku sugnaa Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada muqdisho oo loo raray kadib markii Hotelka lagu qarxiyay ayaa waxa uu qaraxaas ku tilmaamay mid fashilmay.
Ma aha mid na niyad jebinaya qaraxyadaas, waxaana shacbiga Soomaaliyeed u sheegayaa in wixii dhacay iyo wax kasta oo kaleba aanay naga leexineynin waddadii aan ku soconay, mana naga weecinayso ballantii aanu qaadnay iyo Kutubkii aan gacanta saarnay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu madaxweynuhu ku booriyay shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada inay ka shaqeeyaan ammaanka, si loo xaqiijiyo nabadda ay soo hoyeen Ciidamada qalabka sida iyo Ciidamada AMISOM oo uu u mahad cel
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.