DOWLADA KENYA OO SHEEGTAY IN AY KORDHINEYSO DUQEYMAHA AY KA GEYSATO SOOMAALIYA

xeydar November 1, 2013 Comments Off
DOWLADA KENYA OO SHEEGTAY IN AY KORDHINEYSO DUQEYMAHA AY KA GEYSATO SOOMAALIYA

Sida ay Qortay Wakaalada Wararka Reuters, Ciidamada Malitariga Kenya ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen Bartilmaameed ay ku sugnaayeen Ururka Al-shabaab shalay oo Khamiis ahayd,iyadoo arintaan Malitariga Kenya ay ku sheegeen inay kaga aar gudanayeen Al-shabaab Weerarkii Westgate Mall ee Magaalada Nairobi ka dhacay.

Ciidamada Malitariga Kenya ayaa sheegay inay bur buriyeen Xero Malitari ay isticmaali jireen Xubnaha ka tirsanaa Dagaalyahanadii Weerarka ku qaaday Xarunta Ganacsiga Westgate Mall Ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

” Weerarkaani waa qeyb ka mid ah howlgalka looga soo horjeedo Al-shabaab,Waxaana Bartilmaameedsanay Xero Al-shabaabka ay ku tababaranayeen,Kooxihii Weerarka Westgate ku qaaday Waa halka ay ku tababarteen”a ayuu yiri Afhayeenka Malitariga Kenya Colonel Cyrus Oguna

” Bartilmaameedka Bartaan waxaan dadaalkeeda aan ku jirnay waqti badan” Hadana waan ku dhaqaaqnay”ayuu hadalkiis sii raaciyay.

Wuxuu Sheegay Afhayeenka Malitariga dalka Kenya in Xerada Malitari ee ay Weerarka Cirka ah ay ku qaadeen ayaa waxaa ku sugnaa Xiligii Weerarka ay ku qaadeen dagaalyahano ka badan 300, waxaa la aaminsan yahay in badan oo iyaga ka mid ah goobta ayay ku dhinteen,sida uu Warbixin Malitariga Kenya ka soo baxday lagu sheegay,laakiin Malitariga ayaan cadeyn tirada rasmiga ah ee weerarkaasi ku dhintay.

Al-shabaab ayaa arintaan Beeniyay iyagoona sheegay inaan wax weerar ah lagu qaaday Xarunta ay iyagu ku tababaranayeen,waxayna hadalkooda intaasi ku dareen in dagaalyahanadooda Weerareen Degmada Badhaadhe oo Koonfurta Soomaaliya ka tirsan.

 

Comments are closed.