Xaflad abaalmarinno lagu guddoonsiiyay shakhsiyaadka u doodda xuquul qawlka ee PanAfrika ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kambala ee xarunta dalka Uganda.
Xaflada oo ay ka soo qeyb galeen guddoomiyaha dalladda xuquuqda aadanaha ee Pan Africa, mas’uuliyiin ka socotay safaarrado shisheeye ee dalka Uganda iyo ururro u doodda xorriyatul qawlka.
Afar qof oo u kala dhalatay dalalka Uganda, Gambiya, Koonfur Afrika iyo Chana ayaa la guddoonsiiyay abaalmarin, kuwaasoo la qiray doorka ay ka qaateen kobcinta iyo ilaalinta xuquuqul qawlka.
Dhinaca kale xafladda ayaa lagu soo bandhigay filin ka hadlayay dhibaatooyinka iyo tacaddiyada loo geysto suxufiyiiinta Soomaaliyeed iyo ururka bulshada.
Soomaaliya ayaa sidoo kale loo aqoonsaday inay ku jirto waddamada ugu horreeya ee ay ka dhacaan tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.
Guddoomiyaha dalladda xuquuqda aadanaha ee dalalka Pan Africa, Dr Xasan Shire Sheekh ayaa sheegay in Soomaalida looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan dadaallada loo gujiro xaqiijinta xorriyadda qawlka.
Comments are closed.