Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal duhurnimadii maanta magaalada Marka ka dhacay

xeydar October 29, 2013 Comments Off
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal duhurnimadii maanta magaalada Marka ka dhacay

Wararka aynu ka helayno magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaal muddo kooban socday uu ka dhacay gudaha magaaladaasi kaas oo u dhaxeeyay ciidamada militeriga dowladda Soomaaliya iyo ilalada Guddoomiyaha degmada Marka.
Sida warku sheegayo dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwa militeriga dowladda Soomaaliya ay isku dayeen inay isbaarooyin dhigyaan gudaha magaalada Marka iyo waddooyinka soo gala, waxaan arrinkaasi si weyn uga soo horjeestay ciidamada ilaalada u ah Guddoomiyaha degmada Marka iyo ciidamo madani ah oo loo sameeyay inay sugaan amaanka magaalada Marka.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in is rasaaseyn aan la ogeyn cidda wax ku noqotay ay dhexmaray ciidamada militeriga ee doonayey inay isbaarada dhigtaan iyo ciidamadii diidanaa ee ilaalada u ahaa Guddoomiyaha degmada Marka, waxaana la sheegay in xaalad ka kacsanaan ah ay hadda ka jirto magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa saxaafadda u sheegay in gebi ahaanba la xiray ganacsigii degmada Marka, isla markaasna dadka ay ku kala caroodeen guryahooda iyo goobahooda ganacsi iyagoo ka cabsi qaba inuu saameyn ku yeesho dagaalka u dhaxeeya ciidamada doonaya inay isbaarada dhigtaan iyo kuwa ka soo horjeeda ee u diidan.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.