Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo si heer sare ah halkaas loogu soo dhaweeyay ayaa waxaa la sheegayaa in ujeeddada socdaalkooda uu la xiriiro casuumaad ay ka heleen madaxda dalka Turkiga si ay uga qeyb galaan xafladda munaasabadda 90 guuradii ka soo wareegatay markii dalka Turkiga uu xornimada qaatay oo ku beegan maanta 29ka October 2013.
Madaxweynaha ayaa waxaa la socda Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Jamaal Maxamed Barrow, xildhibaano, iyo mas’uuliyiin kale, wuxuuna isla maanta Madaxweynaha Soomaaliya uu la kulmay Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gul iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo uu kala hadlay xiriirka labada dal, isagoo Madaxweynaha Soomaaliya uu uga mahadceliyay doorkii hoggaamineed ee Turkigu ka qaatay arrimaha Soomaaliya oo bedeshay sida uu caalamku ula dhaqmo Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynahu waxuu kala hadli doonaa shirka berri ka dhacaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa Ciidanka Dowladda Soomaaliya si loo soo afjaro dagaalka kooxaha Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu munaasabadda ka jeedin doonaa khudbad taariikhi ah oo uu shacabka Turkiga uga mahad celin doono garab istaaga iyo wallaaltnimada dhabta ah oo ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.