Madaxweynaha Soomaaliya oo laga raray Hotelkii uu deganaa

xeydar September 13, 2012 Comments Off
Madaxweynaha Soomaaliya oo laga raray Hotelkii uu deganaa

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si degdeg ah looga saaray Hotelkii uu ka degenaa magaalada Muqdisho ee Hotel Jazeera.
Rariddan ayaa ku soo beegmaysa xilli labo qarax oo ismiidamain shalay  lala eegtay gudaha Hotelka, qaraxyadaas oo ay fuliyeen labo nin oo ku lebisan dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo qorshuhu ahaa inuu tago marka la caleemo saaro, kahorna uu deganaado Hotelka, balse qaraxa lala eegtay madaxweynaha awgiis loogu raray madaxtooyada si amnigiisa loo sugo.

Madaxweynaha iyo xubno wehliyey ayaa la sheegay in la saaray Gaadiidka aan xabadaha Karin iyadoo ay sii galbiyeen ciidamada AMISOM

Dhanka kale xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka ismiidaaminta ah ee lala eegtay Hotelka madaxweynuhu deganaa.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.