Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in caawa magaaladaas lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Sarkaalka la dilay oo magaciisa lagu koobay Mooja ayaa la sheegay in lagu dhuftay 7 xabadood, waxaana dilkiisa fuliyay koox hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan, kuwaasi oo markiiba goobta ka baxsaday.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa jiinwabi.net u sheegay in markii marxuum uu ku naf baxay goobta oo aan ka fogeyn hoygiisa.
Muddooyinkii dambe ayaa magaalada Jowhar waxaa ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, iyadoo saraakiisha ciidanka dowladdana ay sheegayeen in ammaanka uu ka wanaagsanyahay sidii hore.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.