CarsAmar ka soo baxay Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka ayaa lagu mamnuucay in gaadiidka aan xabadaha karin iyo kuwa loo yaqaano Cabdi bilaha aan si gaar ah looga soo dejin karin dekadda Muqdisho.
Gaadiidka aan xabadaha karin iyo Gaadiidka loo yaqaano Cabdi-bilaha oo ay inta badan Soomaalidu u isticmaasho dagaalka iyo in hub lagu rakibo ayaa dekadda Muqdisho laga mamnuucay in laga soo dejiyo, waxaana ganacsatada amar lagu siiyey inaysan gaadiidka noocaas ahi dekadda Muqdisho ka soo dejin Karin.
Gaadiidka aan xabbadaha karin oo haatan ku soo batay magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan isticmaala Wasiirada dowladda iyo Saraakiisha amniga, iyadoo gawaaridaas si dalab ahaan loogu keeno saraakiisha iyo madaxda dowladda, halka gaadiidka Cabdi-Bilaha ay inta badan isticmaalaan ciidamada.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo laamaha ammaanka dowladda ayaa ku baraarugay qorshayaal si gaar ah gaadiidka aan xabadaha karin looga soo degsan lahaa Dekeda, si loo suuq geliyo, iyadoo la tuhmay in kooxda Al-shabaab ay gaadiidkaasi isticaalayso.
Go’aankan ayaa waxa uu daba socdaa wareegto dhowr bilood ka hor uga soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo aan si rasmi ah u dhaqan galin,lamina oga in go’aankan isna uu dhaqan geli doono iyo in kale, maadaama laaluush iyo musuqmaausq baahsan uu kajiro dekadda iyo guud ahaan hay’adaha dowladda.
Dhawaan ayaa la sheegay in hay’adaha ammaanka dowladda ay ku qabteen Dekeda labo baabuur oo kuwa aan xabadaha karin ah oo la soo dejiyay iyo gawaarida ciidamada ee Tiknikada loo yaqaan, kuwaasoo ay Ganacsato si gaar ah u keensadeen.
Dekedda Muqdisho ayaa waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ka soo degayay gawaari kala duwan oo casri ah, kuwaasoo Ganacsatada Soomaaliyeed iyo maalqabaneeda ay dibadaha ka keensanayeen si ay u suuq geystaan ama ay si gaar ah ugu kaxeystaan magaalada.
Baabuurtan la mamnuucay gaar ahaan kuwa aan xabadaha karin ayaa waxaa la iibiyaa qiimo aad uga badan baabuurta kale ee caadiga, iyadoo ku dhow dahay lacagahaas 80-90 kun oo doolarka Mareykanka ah.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.