Saraakiil iyo siyaasiyiin Baaq culus u diray dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka(Magacyada)

xeydar October 24, 2013 Comments Off
Saraakiil iyo siyaasiyiin Baaq culus u diray dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka(Magacyada)

saraakiilSiyaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo ka soo jeeda Gobollada Jubbooyinka ayaa baaq culus u diray dowladda Soomaaliya, Egayga gaarka ah ee Xoghayaha Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo beesha caalamka, waxayna baaqooda ku sheegeen inay dhaliilsan yihiin habka dowladda Soomaaliya ay u maamuleyso dib u heshiisiinta gobolladaas.

Warqad qoraal ah oo ay xubanahaasi u direen hay’adahaas oo nuqul ka mid ah Aarannews.com ay heshay ayaa waxa ay ku sheegeen in qodobka 21-aad ee heshiiskii Addis Ababa uu qorayay in shir dib u heshiisiin ah lagu qabto Muqdisho kaasoo ay heshiis ku kala saxiixanayaan dhinacyadii ku dagaalamay Kismaayo, sidaa daraadeed waxay siyaasiyiintani sheegeen in uusan jirin maamul iminka ka jira Jubbooyinka.

Warqadan oo ay ku saxiixnaayeen siyaasiyiintii dagaalka kula gashay magaalada Kismaayo ciidamada taabacsan Sheekh Axmed Madoobe ayaa waxay sheegeen in dowladda Soomaaliya aysan dhinac ka ahayn khilaafka ka jira Jubbooyinka, balse dowrkeedu yahay mid dhexdhexaadineed, isla markaana looga baahan yahay in maqaamka ay meesha ku leedahay ay dhowrto oo ay dhexdhexaad ka noqoto dhinacyada isku haya gobollada Jubbooyinka.

Saraakiisha iyo Siyaasiyiintan ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada ay hogaamiyaan, iyadoo dhinacyadii ay dagaalka la galeen ay weli hubeysan yihiin.

Waxay siyaasiyiintan ugu baaqeen dowladda Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo guud ahaan wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya in ay ahmiyad siiyaan qabsoomidda iyo ka miro-dhalinta shirka dib u heshiisiinta gobollada Jubooyinka ee la filayo in 2-da November uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Warqaddan ayaa waxa si wadajir ah ugu saxiixnaa siyaasiyiinta iyo saraakiisha kala ah:

1) Col Barre Aadan Shire (Hiiraale)
2) Cabdi Baleey Xuseen
3) Xasan Xaaji Max’ed
4) Max’ed Amiin C/dullaahi
5) Iftiin Xasan Baasto
6) Cumar Buraale Axmed

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.