PoliceCiidamo boolis ah oo ka socda dalka Ghana ayaa dhawaan waxa ay ku wajahan yihiin caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Wargeys ka soo baxa magaalada Accra ee dalka Ghana ayaa maanta waxa lagu daabacay in dowlada Ghana ay shaaca ka qaadday in ay ciidamo Boolis ah u direyso Soomaaliya.
Fanny Aboagye oo ah madaxa tabbabarka ciidamada loo dirayo Soomaaliya ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in ciidamada ay u dirayaan Soomaaliya ay ka qayb qaadan doonaan xoojinta dadaallada nabadda ee ka socda dalka Soomaaliya.
Ciidamadan oo tiradooda gaareyso 90 askari oo Boolis ah ayaa waxaa loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan goobaha ay joogaan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM).
Sida lagu daabacay wargeyska ciidankan ayaa iminka ku tababaranaya xarunta tabbabarka caalamiga ee nabad ilaalinta Kofi Anan ee dalka Chana waxaana lagu wadaa in todobaadkan loo soo xiro tababarka, kaasoo uu maalgelinayo xafiiska arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka oo kaashanaya wakaaladda iskaashiga caalamiga ah ee dalkaas.
Saraakiisha bixinaya tabbabarkan ayaa sheegay in ciidanka la siinayo tababar ku saabsan dhowrista xuquuqda, wacyigelinta dhibaatada miinada iyo taageerada nolosha aasaasiga ah.
Waxaa hadda magaalada Muqdisho iyo goobaha ay joogaan ciidamada AMISOM la geeyay ciidamo boolis ah, waxaana ciidamada halkaas jooga ay ka kala socdaan waddamada Nigeria iyo Uganda, dalka Ghana waxa ayaana noqonaya dalka saddexaad ee ciidamo Boolis ah geeya Soomaaliya.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.