Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa isku khilaafay qaadista lacago canshuuro ah oo laga qaado Gaadiidka Isticmaala inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.
Sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Sh/hoose ee Dowladda KMG Soomaaliya, Madaxda ugu sareysa Maamulka DKMG ah ee Sh/hoose ayaa isku khilaafsan qaadida canshuuro laga qaado Gaadiidka isticmaala inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.
Mas’uuliyiinta gobolka Sh/hoose ayaa la sheegay in labo kullan oo ay ku yeesheen gobolkaasi lagu kala kacay kaddib markii guddoomiyaha Sh/hoose ee DKMG iyo ku xiggeenkiisa dhinaca amniga ay talo ahaan u keeneen in deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho la dhigo bar-Kontorol oo lacago looga qaado gaadiidka isticmaala inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.
Ku xiggeenka dhinaca arrimaha bulshada iyo sido kale ku xiggeenka dhinaca dhaqaalaha ee Sh/hoose ayaa soo jeediyay in aan la dhigin deegaanka Siinka-dheer Bar-Konotorol oo lacago looga qaado gaadiidka, hase ahaatee lagu ekaado oo kaliya midda taalla degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, dhaqaalaha gaadiidkana lagu kordhiyo.
Is afgarad waa kaddib ayaa shirkii lagu kala kacay, waxaana shirkaasi mid daba socday xalay uu ka dhacay gudaha degmada Afgooye, iyadoo guddoomiyaha gobolka Sh/hoose uu soo bandhigay Xisaabiye guud oo gobolka Sh/hoose uu u magacabay Wasiirka arrimaha gudaha ee Xukuumadda KMG ah, inkastoo ku xiggeennada guddoomiyaha Sh/hoose ay sheegeen in Xisaabiye guud Wasaaradda arrimaha gudaha aysan u magacaabi karin gobolkaasi, arrintaasina aysan ku shaqo laheyn.
Mar labaad ayaa shirkaasi lagu kala kacay sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin diidday in la shaaciyo magacooda, iyadoo saakay deegaanka Siinka-dheer oo ku jiray qorshaha ah in laga qaado lacago canshuuraad aan maanta laga qaadin wax lacago ah islamarkaana Gaadiidka isticmaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye wadadaasi ay si caadi ah ku marayaan.
Saraakiil ka tirsan DKMG ah ayaa Shabelle u sheegay in Gaadiidka lacago gaaraya 30-kun oo shillinka Soomaaliga ah looga qaadayo Kontorolka Baar-Ismaaciil, iyagoo sheegay in lacago intaasi ka bandan laga qaado Gaadiidka Xamuulka ah.
Xiriiro aanu la sameynay Guddoomiyaha Sh/hoose ee DKMG ah ayaa inoo suuro gallin inaan qadka Taleefonka ku haleelno.
Comments are closed.