Munaasabadani lagu sagootinayay 130 arday ayaa waxaa ka soo qayb galay Xubnaha Guddiga imtixaanaadka ee Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada, ee Agaasinka Waxbarashada, Ardayda ku guuleysatay deeqda waxbarasho ee dalka Suudaan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta adeega Bulshada, waalidiinta, iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha Agaasinka waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Wasaaradda Horumarinta Adeegga bulshada Mudane Maxamed C/qaadir Nuur oo ereyo ka jeediyay madasha munaasabadda ayaa kula dar daarmay ardayda in ay ka faa’ideeystaan Fursadda Waxbarasho oo ay ka heleen dalka Suudaan islamarkaana aysan ka mid noqon dhalinyarada xagga tahriibka u weecda taasi oo saameeyn xoog leh ku yeelata mustabalka dhalinyarada Soomaaliyeed.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta adeega Bulshada Mudane Maxamuud Macalin Yaxye oo la hadlayay ardayda la sagootinayay ayaa kula dar daarmay ardayda in aysan beer dareynin waxbarashada la siiyay islamarkaan ay xaqiijiyaan dhameystirka waxbarashada loogu yaboohay waxaana kuliyadaha la siiya ka mid ah kuliyadaha Caafimaadka, Injineerinka, iyo Barashada Cilmiga Badda.
Qaar ka mid ah ardayda ku guuleysatay imixnaanka Suudaan oo aad ugu faraxsan ka faa’ideeysiga waxbarashada heerka jaamacadeed oo ay ku heleen ka dib markii ay ku soo baxeen imitixaankii ay ka qaaday Agaasinka waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin fursadda ay ka heleen dowladda Suudaan taasi oo ay ugu mahadcelinayeen dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waa markii labaad oo muddo Todobaad ah ardayda Soomaaliyeed loo diyaariyo deeqo waxbarasho oo heer jaamacadeed ah ay siiso dowladda Federaalka Soomaaliya oo deeq waxbarasho oo tan la mid ah ay ka heshay dalka Yemen ay u dirtay in ka badan 35-arday.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.