Nicholas Kay oo Puntland kula taliyay doorashooyin xor ah oo xalaal ah

xeydar October 21, 2013 Comments Off
Nicholas Kay oo Puntland kula taliyay doorashooyin xor ah oo xalaal ah

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta soo jeediyay in doorashada lagu wado inay horraanta sanadka soo socda ka dhacdo deegaannada maamulka Puntland ay noqoto mid xor ah oo xalaal ah.
Kay ayaa sheegay in doorashada ay tahay tii afaraad oo ka dhacda Puntland tan iyo sanadkii 2008, isla markaana uu rajeynayo inay u dhacdo si caddaalad ah.
Ergayga ayaa tilmaamay in Puntland ay kaalin muhiim ah ku leedahay nidaam federaal ah oo ka hirgala Soomaaliya iyo nabad ku soo dabbaalidda dalka.
Wuxuu xusay inuu rajeynayo in Puntland ay cusbooneysiiso xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Kay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la hubiyo in baarlamaanka soo socda ee maamulka Puntland laga qeyb galiyo dumarka iyo in la dhowro xuquuqda suxufiyiinta.
Nicholas Kay oo maanta soo gabagabeeyay booqasho labo maalmood qaadatay oo uu ku joogay Garoowe, waxuu la kulmay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, xubno ka tirsan wasiirrada iyo baarlamaanka maamulka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, isagoo kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda waqtigeeda.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.