WASIIRKA WARFAAFINTA OO KORMEERAY HOWLO DAYACTIR AH OO KA SOCDA GAROONKA MUQDISHO

xeydar October 21, 2013 Comments Off
WASIIRKA WARFAAFINTA OO KORMEERAY HOWLO DAYACTIR AH OO KA SOCDA GAROONKA MUQDISHO

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi ayaa kormeeray howlo dayactir ah oo ka socda Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo shirkada Favori ay gacanta ku hayso.
Kormeerka wasiirka kadib hadal uu siiyay warbaahinta ayaa Ciilmooge wuxuu ku faah-faahiyay halka ay marayaan howlaha dayactirka ee ay wado shirkada Favori, waxaana uu sheegay in dhismaha Garoonka meel wanaagsan uu marayo.

Ujeedada ayaa waxa uu ku sheegay inay tahay in Garoonka Muqdisho bilicdiisa lasoo saaro, oo garoon casri ah laga dhigo, taasina iminka lagu guda jiro howsheeda oo dhawaan lasoo gaba-gabeyn doono.

C/laahi Ciilmooge Xirsi Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Gaadiidka ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa dhanka kale wuxuu kulamo la qaatay xubno ka tirsan AMISOM oo qaabilsan ammaanka Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo wasiirka uu kala hadlay sii adkeynta amniga Garoonka.

Wasiirka Warfaafintra, Boostada iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa ugu dambeyeeyntii ka hadlay kaalinta beesha caalamka ee ku adaan horumarinta howlaha garoonka oo uu xusay in shir uu dhawaan kaga qeyb galay dalka dibadiisa looga hadlay kaalinta ay beesha caalamku ka geysan karto horumarka Soomaaliya.

Hada Garoonka Muqdisho waxaa ka socda dib udhis iyo dayactir lagu wado qeybo kamid ah Garoonka, waxaana si caadi ah ushaqeeya howlaha Garoonka oo aan saameyn shaqooyinka hada socda ee dib udayactirka.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.