Weriye Cali Maxamed Guutaale oo idaacadda Bar-kulan uga soo warrama magaalada Muqdisho ayay ciidamada dowladda Soomaaliya xireen xilli uu ku sugnaa hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.
Weriyaha ayaa ka mid ahaa koox wariyeyaal ah oo loogu yeeray shir Jaraa’id oo uu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ku qaban lahaa hotelka Jasiira oo uu kula kulmayay wufuud beesha caalamka ka socotay ka hor intii aysan qaraxyo ka dhicin agagaarka hoteelka.
Lama oga ilaa hadda goobta ay ciidamadu ku xereen weriyaha iyo sababta ay u xireen, mana jiro mas’uul ka tirsan dowladda oo ka hadlay xariggiisa. Howlwadeennada Bar-kulan waxay ku mashquulsan yihiin inay ogaadaan halka uu Guutaale ku xiran yahay iyo sababta lo xiray.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Cali lala xiray dhowr weriye oo kale, kuwaas oo aan la hayn tiradooda saxda ah.
Weriye Cali Maxamed Guutaale
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.