Wasiiro qiimeyn ku sameeya waxyeeladii qaraxii B/weyne oo gaaray magaaladaas

xeydar October 20, 2013 Comments Off
Wasiiro qiimeyn ku sameeya waxyeeladii qaraxii B/weyne oo gaaray magaaladaas

 

wafdiggaWasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo wasiirka Kheyraadka dalka C/risaaq Cumar Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wasiiradaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada B/weyne ayaa ujeeddada ay halkaasi u tageen lagu sheegay inay tahay qiimeynta inta uu gaarsiisan yahay qaraxii ismiidaamin ee shalay ruux naftii halignimo ah ka fuliyey magaaladaasi B/weyne.

 
Wafdigaa ayaa waxa ay kulamo la leeyihiin mas’uuliyiin katirsan maamulka gobolka Hiiraan oo ay kala hadlayaan wixii shalay ka dhacay B/weyne, waxaana lagu wadaa in sidoo kale ay kulamo la qaataan saraakiisha AMISOM ee halkaa ku sugan oo ay iyaguna wax ka weydiinayaan qaraxii shalay lagu haligmay ee ka dhacay magaaladaas.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.