SARAAKIIL KA SOCOTAY DOWLADAHA BARRIGA AFRIKA OO TABABAR LOOGU SOO XIRAY NAIROBI

xeydar October 19, 2013 Comments Off
SARAAKIIL KA SOCOTAY DOWLADAHA BARRIGA AFRIKA OO TABABAR LOOGU SOO XIRAY NAIROBI

Saraakiishaan oo ka kala socotay wasaaradaha Gaashaandhigga Dowladaha Barriga Afrika gaar ahaan kuwa Ururka East African Standby Force Co-ordination Mechanism (EASFCOM) ayaa maanta xarunta Machadka lagu magacaabo Humanitarian Peace Support School (HPSS) ee Magaalada Nairobi loogu soo gebogebeeyay Tababar u socday Muddo saddex Todobaad ah kaasoo lagu baranayay qaabka ugu habboon ee Maleeshiyaadka hubeysan loogu sameyn karo hub ka dhigis laguna dhaqan celin karo islamarkaana dib loogu soo celin karo Bulshada ay markii hore ka falalagoobeen.
Tababarkaan oo ay martigelisay Dowladda Kenya ayaa waxaa taageerayay hay’adda UNDP-Japan iyadoo la kaashanaysa hay’adda EASFCOM iyo Xarunta IPTSC (International Peace Support Training Center) oo ka tirsan wasaaradda difaaca Dowladda Kenya.

Saraakiisha tababarka qaadanaysay oo ka koobnaa 18-Xubnood ayaa ka kala socday wasaaradaha Difaaca Dowladaha xubnaha ka ah EASFCOM,sida Soomaaliya,Burundi,Rwanda,Kenya,Suudaan,Itoobiya,Commoros iyo Uganda.

Muddadii ay Koorsadaan socotay ayaa waxa ay Saraakiisha isdhaafsanayeen Khibradaha ay u leeyihiin wadamada uu ka hirgelay Barnaamijkaan ay inta badan fuliso Qaramada Midoobay kaasoo afka qalaad lagu yiraahdo DDR(Disarmament,Demobilisation and Re-integration of Ex-Combatants) taasoo micnaheedu noqonayo Hub ka dhigista,Dhaqancelinta iyo dib ugu soo celinta bulshadooda dagaalyahannadii hore ee ka tirsanaa Koox hubeysan oo kasoo horjeedda Dowlad ka dhisan Wadan gaar ah.

Ka qeybgaleyaasha Tababarkan ayaa waxa ay si weyn uga doodayeen qaabka hubka looga dhigi karo maleeshiyaadka alshabab iyo kuwa lamidka ah ee ka dagaalama wadamada Soomaaliya,Congo,Suudaan,Burundi ,Sierraleone,Uganda iyo dalal kale oo farabadan, waxaana dhammaantood ay isku racaeen in muhiim ay tahay in Dowlad waliba ay sameyso Guddi gaar ah oo qaabilsan Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka.

Soomaaliya ayaa madasha aqoonisweydaarsiga kusoo bandhigtay sida loo maareeyo maleeshiyaadka kasoo baxsada Kooxda nabad diidka ah ee Alshabab islamarkaana dhaqancelin loogu sameeyo maadaama ay howshaas Dowladda Federaalkaa h u qaabilsantahay wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Munaasabadda xeritaanka tababarkani ayaa waxaa maanta kasoo qeybgalay Madaxda Xiriirka ee hay’adda EASFCOM Col.Ibrahim Mohamed Abdulrahman iyo ku xigeenka Taliyaha Machadka HPSS kuwaasoo si weyn ugu amaanay ka qeybgaleyaasha koorsada sida wanaagsan oo ay aqoontooda usoo bandhigeen waxa uuna ka codsaday Hay’adaha taakuleynaya tababarrada nuucaan oo kale ah in ay sii kordhiyaan si ay uga faaiideystaan saraakiisha Ciidamada Booliska,Militariga iyo Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladaha Barriga Afrika islamarkaana kor loogu qaado dedaallada lagu xasillinayo amniga Qaaradda Afrika.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.