Ururka Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyada qaraxii ismiidaaminta ee Madaxweynaha lagu weeraray

xeydar September 12, 2012 Comments Off
Ururka Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyada qaraxii ismiidaaminta ee Madaxweynaha lagu weeraray

Iyadoo qarax xoogan maanta lala beegsaday Hotel uu dagan yahay Madaxweynaha cusub ee Somaaliya ayaa masuuliyada qaraxaasi waxaa sheegtay Ururka Al-Shabaab.
War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twiterka ee Al-Shabaab ku leeyihiin internentka ayaa lagu sheegay in masuuliyada weerarka qaraxaasi ay leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

“Weerar u dhacay sidii aan u qorshaynay, ayaan ku qaadnay Hotel ku dhow Airportka, cadow badan ayaanu dilnay, welina howshu way socotaa” ayaa lagu yir warka Shabaab.

Sidoo kale Al-Shababa aya sheegtay in qaraxaasi ay ku dileen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM.

Qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa fuliyay labo ruux oo isa soo miidaamiyeen iyadoo ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo dowladda.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.