Booliiska dalka Ethiopia ayaa saddex qof u xiray qarax Axaddii ka dhacay xaafad ay Soomaalidu degto oo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.
Saraakiil u hadlay booliiska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen saddexdan ruux oo looga shakisan yahay in ay lug ku lahaayeen qaraxa oo ka dhashay kaddib markii walxo la farsameynayey uu la qarxay laba nin oo la aaminsan yahay in ay ahaayeen raggii isku xirayey walxahaas.
Labada qof ee qaraxaas ku dhimatay waxay ahaayeen Soomaali si sharci darro ku joogay Addis Ababa sida booliisku sheegay.
Afhayeenka dowladda Ethiopia Shimeles Kemal ayaa goor sii horeysay sheegay in labadaas qof ay doonayeen in ay weerarro ka geystaan garoon kubbadda cagta ah oo la filayey in ay ciyaar ka dhacdo iyo goobaha ay dadka isugu yimaadaan.
Xaafadda Bole ee uu qaraxu ka dhacay oo u dhow garoonka diyaaradaha Addis Abab waa goob ay degaan Soomaalida.
Ciddina ma sheegan in ay weerarkaas ka dambeysay, hase yeeshee kooxda Al-Shabaab oo bishii hore weerar ka fulisay Nairobi ayaa horay ugu hanjabtay in ay beegsan doonto dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.