Waxaa maalintii doraad lagu qabtay garoonka diyaaradaha dalka Biljimka ee magaalada Brussels Maxamed Adam Tiicey oo ahaa Madaxweynihii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb iyo nin kale oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Xasan {Afweyne}, kaas oo ah sida la sheegay hogaamiyihii Burcad badeeda Soomaalida, ahna ganacsade caan ah.
Dacwad oogaha federaalka Biljimka Mr. Johan Delmulle ayaa sheegay in Afweyne marka la qabanayey uu la socday nin kale oo isagana lagu tuhunsanyahay inuu wax ka asaasay shabakaddii Burcad-badeeda ee Afweyne hogaaminayey sida uu yiri kaas oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Tiicey oo ah Madaxweynihii hore ee mamulka Ximan iyo xeeb
Sida warku sheegayo Afweyne iyo Tiicey ayaa loo sheegey inay ka qeybqaadanayaan Filim laga sameeyay burcad-badeeda taas oo lagu soo bandhigayo noloshii Afweyne ee ka horeyay Burcad-badeednimadii iyo xilligii uu ku jiray, halka Tiicey uu ka noqon lahaa filimkaas la taliye sida warka lagu yiri, Johan Delmulle oo ah dacwad oogaha dalka Biljimka ayaa sheegay in labada ninba ay ku eedaysanyihiin burcadbadeednimo, isla markaasna sharciga la horgeyn doono, Tiicey ayaa noqonaya siyaasigii u horeeyay ee madax ka noqda maamulada Soomaaliya oo xarig noocan ah loo geysto.
Maxamed Afweyne ayaa waqti fog sheegay inuusan ka mid aheyn burcad badeeda, isla markaasna muddooyinkii dambe ku howlanaa inuu falalkaasi ka saaro dhalinyaro badan oo howl ka dhigtay afduubka, waxaana uu soo banadhigay dhalinyaro uu ka saaray falalka burcad badeeda ka dib markii uu ka waaniyey inay isaga aharaan falalkaasi foosha xun
Dhinaca kale banaanbax looga soo horjeedo xarigga ay dowladda Belgiumka u geysatay madaxweynihii hor ee maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan {Tiiceey} iyo Maxamed Cabdi Xasan {Afweyne} ayaa shalay ka dhacay magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaasi, waxayna dadka banaabax dhigayey ay sheegeen in labada nin ee la xirayba aysan wax lug ah ku laheyn falalka burcad badeednimada.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.