Kooxda BATROOLKA oo kor u qaaday Koobka Jeneraal Daa’uud ee Jaaliyadda Jeddah.

xeydar October 5, 2013 Comments Off
Kooxda BATROOLKA oo kor u qaaday Koobka Jeneraal Daa’uud ee Jaaliyadda Jeddah.

Ciyaar ay dadweynuhu wada sugayeen oo aheyd Finalka Koobka JENERAAL DAA’UUD ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Jeddah, ayaa waxaa isaga hor yimid kooxaha Fc-Jowhar iyo Batroolka, ciyaartan oo ahayd mid aan saadaal laga bixin karin, waayo labada kooxood waxey ka mid yihiin kooxaha looga bartey ciyaar wanaag iyo Asluub, waxeyna halkaasi ku soo bandhigeen Ciyaar farsamadeedu aad u sareyso oo ay raali kawada noqdeen dhamaan dadweynihii usoo daawasha tegay.
Kooxda Batroolka ayaa ciyaar aad iyo aad u adag kala hortagtay kooxda Fc-Jowhar oo gacanta ku haysata koobka Horyaalka, waxayna labada kooxood lasoo shirtageen farsamo iyo xeelado wacan, iyadoo ay kooxda Batroolka aheyd koox ku jeeday inay hanato koobka Jeneraal Daa’uud oo ahaa koobkii ugu horeeyay ee ay ka qaado garoomada Sharbatle.
Ciyaarta inta aysan bilaaban ayaan waxaan ka wareysanay Ciyaartoygii berisamaadkii Mr. Yacquub Axmed Maxamuud isla markaana ah xubin kamida gudiga xiriirka Kubadda cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah, sida ay ula muuqato labadan kooxood iyo cida uu saadaalinayo inay hananeyso koobka, wuxuu sheegay in ciyaarahan finalka aysan marna wax tixgelin ah ku lahayn ciyaar wanaag, ee ay koox kasto ku dadaaleyso inay natiijada hesho, marka waa ay adag tahay in lasaadaaliyo cida qaadaneysa Koobka, iyadoo ay labada kooxood si adag ku soo gaareen cayaarta kama dambeysta, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay Guul la taaban karo.

Kolkii ay ciyaartu socotey 13 daqiiqadood ayaa kooxda Batroolka oo laga ciyaar wanaagsanaa gelinkii hore, waxay heshay fursad qaali ah oo gool noqon karay, haseyeeshee degdegsiimo darteed ayuu ciyaaryahankii sitay nambarka 20 aad si tartiib ah faraha uga saaray goolhayaha Fc-Jowhar, taasina waxay noqotay mid ay ka qoomameeyaan intii ay cayaartu socotay.


Fursadaa luntay kadib, waxay ciyaarta isu bedeshay weerar iyo weerar celis, iyadoo ay kooxda Fc-Jowhar ay kordhisay weeraradeeda, si ay u hesho gool ay niyada ku dhisato, sidoo kale ayaa iyana kooxda Batroolka waxay ay haysay weerar celis halis gelinayey kooxda Jowhar, haseyeeshee gelinkii hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0 – 0 oo ay labada kooxood isla mari waayeen.
Intii u dhaxeysay labada gelin ayaa waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyay Hadiyado qaali ah, marti sharaftii kasoo qeyb gashay ciyaarta Koobka Jeneraal Daa’uud, iyadoo ay halkaasi goob joog ka ahaayeen ciyaaryahano miisaan culus ku lahaa dalka oo ay kamid ahaayeen, Macalimoow Cabdalla “Batroolka”, Daahir Gacameey “Muqdisho”, Yacquub Axmed “Waxool”, Saalax Baajaabir “Wagad”, Cali Cambuulo “Badda Kismaayo”, iyo guddiga Xiriirka Kubadda Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah oo uu hormuud ka ahaa Gudoomiye Maxamed Aweys Axmed, Abii Baraf, Saylac, Muxsin Aboor, Maxamed Eenow, sidoo kale waxaa halkaasi goob joog ka ahaa dhamaan gudoomiye kooxeedyada ka qeyb galay tartanka Koobka Jeneraal Daa’uud oo iyana la gudoonsiiyay hadiyado qaali ah.
Qeybtii labaad ee ciyaarta kolkii la isugu soo noqday, koox walibana ay lasoo tashadeen tababarayaashooda, ayaa labada kooxood waxay kordhiyeen dadaalkooda, iyadoo ay iska lumiyeen fursado qaali ah oo natiijada ciyaarta wax ka bedeli karay, waxayna ciyaartii kusoo gabagabowday Eber iyo Eber oo ay isla mari waayeen daqiiqadihii ciyaarta.
Waxaa markaa kadib loo dhigay Gool ku laad ama RIGOORE-yaal, waxaana nasiibku uu raacay kooxda Batroolka oo 5 – 4 ay guushu ku raacday.
Tababare Cabdulqaadir oo aan wax ka weydiiney ciyaarta iyo guusha uu gaaray, ayaa marka hore Eebe u mahad celiyay guushii ay maanta gaareen, wuxuuna u hambalyeeyay ciyaartoydiisa oo uu sheegay inay maanta ahaayeen kuwo u qalma guushii ciyaarta, wuxuuna sheegay in kooxda FC-JOWHAR ay ahayd koox adag, islamarkaana haysata koobka Horyaalka, haseyeeshee uu maanta diiday nasiibkii.
Waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyay Koobkii Jeneraal Daa’uud kabtanka Kooxda Batroolka, sidoo kale waxaa halkaasi Koob lagu gudoonsiiyay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa tartanka Maxamuud Gurey, sidoo kale Tababarihii ugu wanaagsanaa tartanka oo noqday tababare Faarax Yaanyo.


Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah Maxamed Aweys oo halkaasi ka jeediyay hadal yar ayaa marka hore u mahadnaqay dhamaan kooxihii ka qeyb galay tartanka, sidoo kale marti sharaftii kasoo qeyb gashay ciyaarta kama dambeysta, wuxuuna sheegay in goor dhow ay bilaabi doonaan tartanka Koobka HORYAALKA.

Waxaa diyaariyay:
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir “diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com

Comments are closed.