Kooxda Kubada Cagta Fc Sahafi ayaa Guul Kasoo hoysay isreeb reebka koobka jaamacada carabta oo ka socotay Komoros waxayna la ciyaartay koox ka socotay wadanka Jabuuti .
Koobkaan ayaa waxaa lagu qabtay dalka Komoros oo ka tirsan qaarada afrika waxaay kooxda Sahafi oo mataleysa wadanka Soomaliya u aheyd kulankoodi ugu horeeyay oo ay ciyaaraan waxaana goolka u dhaliyay weeraryahankooda Jabriil Xasan fariid iyaga oo ku badiyay 1-0.
Sida uu inoo sheegay Abuukar Isloow oo mid ka wafuuda xiriirka kubada cagta soomaaliya ee uga qeyb galay ciyaaraha iyo daafaca kooxda Sahafi Duufaan ayaa yiri ”waxa ay ciyaarta aheyd mid adag oo la dhihi karay waa ay adkeed qeybta hore ee ciyaarta waxaasa qeybtii danbe ay heshay kooxda Sahafi oo gool oo uu si xirfadeysan u dhaliyay weeraryahan jabriil xasan fariid” .
Kooxda Sahafi ayaa waxay ciyaari doonta kulan kale oo ay wajahi doonto wadanka koobka martigalinaya koox ka socota oo kulankii hore kasoo badisay kooxda maanta ay ka badiyeen FC Sahafi .
Waxaan dhowri doona kulanka lawada sugayo ee dhexmari doona kooxda Saxafi iyo koobka wadan martigalnaya kooxda ka socota inaga oo idin soo gudbindoona natiijada kasoo baxda ciyaartaas iyo waxa ay ku dhamaato .
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.