ODAYAASHA KISMAAYO OO MAAMULKA JUBBA KA CODSADAY IN AMNIGOODA LA SUGO

xeydar October 4, 2013 Comments Off
ODAYAASHA KISMAAYO OO MAAMULKA JUBBA KA CODSADAY IN AMNIGOODA LA SUGO

Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgarad kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka gaar ahaan kuwooda ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay maamulka KMG ah ee Jubba ka dalbadeen sugidda amnigooda.
Ugaas Cumar Xiirey oo kamid ah waxgaradkaasi ayaa waxa uu sheegay in maamulka Jubba xil weyn uu ka saaran yahay sugidda amnigooda, isagoona ka dalbaday saraakiisha ammaanka Kismaayo inay ku dadaalaan sugida amniga waxgaradka, oo uu sheegay in mudooyinkii dambe ay soo wajahday xaalad amnixumo, iyo ugaarsi lagu hayo.

Maalin ka hor magaalada kismaayo gaar ahaan guri ay ku shirayeen qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Kismaayo ayaa waxaa lagula eegtay qarax miino, inkastoo la sheegay in wax khasaare ah uusan kasoo gaarin qaraxaasi.

Kismaayo tan iyo markii Axmed Madoobe qarax ismiidaamin ah lagula eegtay, Magaaladaasi xaaladeeda waxa ay aheyd mid qasan oo dilalka ay kusii kordheen.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.