MUHAAJIRIIN GAARAYA KUDHAWAAD 80-RUUX OO KU GEERIYOOTAY XEEBAHA TALYAANIGA

xeydar October 3, 2013 Comments Off
MUHAAJIRIIN GAARAYA KUDHAWAAD 80-RUUX OO KU GEERIYOOTAY XEEBAHA TALYAANIGA

Ugu yaraan 90-Qof oo Muhaajiriin ah ayaa ku dhintay tiro kale oo gaareysa ku dhawaad 250 Kooxaha gurmadka ayaa wali waxay ugu jiraan baadi goobkooda kadib markii dooni ay saarnaayeen Muhaajiriintaasi ay kula qalibmatay meel u dhow Jazeerada Lampedusa ee dalka Talyaaniga,sidaasi waxaa baahiyay warbaahinta Talyaaniga.
Shilka ayaa dhacay aroortii hore saakay oo Khamiis ah, waxaana wararka ku saabsan dhacdadan ay soo shaacbaxeen barqanimadii maanta kadib dadaalo iyo gurmad la sameeyay.

Kooxaha Badbaadiyaasha ayaa shaaca ka qaaday in biyaha ka soo badbaadiyeen 25,sida uu sheegay Afhayeenka Xeebta Talyaaniga.

Ilaa iyo hada Dowlada Talyaaniga ma cadeyn wadamada ay u dhasheen Dadkaan Masiibado soo gaartay,waxaana dhacdadaan Noqoneysaa ugu danbeysay ee ka dhacda meel ku ku dhow xeebaha Talyaaniga.

Dadka doonta saarnmaa ayaa waxa alagu qiyaasay ku dhawaad 500-ruux kuwaasi oo doonaye inay dalka Talyaaniga galaan, hayeeshe mashaqadan ay dhaxda kusii qabsatay.

Lama oga ilaa iyo hada inay ku jiraan dadka dhibaatadaan qabsatay dad Soomaaliyeed iyo in kale.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.