Xili maamulka magaalada Baledweyne uu sheegay in uu bilaabayo canshuur uruurin ayaa waxa uu digniin kasoo saaray in laga dhaga adeego canshuur bixinta.
Gudoomiyaha magaalada Baledweyne Cabdi Bishaar Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ganacsadihii ka hor yimaada bixinta canshuurta uu muteysan doono ganaax lacageed oo loo eegayo lacagta canshuur ahaan laga rabay, ayna labo jibaar u noqon doonto, sida uu hadalka u dhigay.
Maamulka magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in canshuurta lagu horumarin doono adeegyada bulshada iyo sidoo kale Maamulka.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.