Wararka ka imaanaya magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa sheegaya in dibad-baxyo ka socda maalintii saddexaad magaaladaas uu ku dhaawacmay Mukhtaar Cabdi oo ka tirsan ardayda Soomaalida ee halkaas ku nool, C/qaadir Maxamed C/qaadir oo ah saxafi madax-bannaan oo deggan magaalada Khartuum ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhaawaca ardayga, isagoo xusay in ardayga ay caloosha uga dhacday rasaas loo maleynayo in ciidanka sudaan uu riday taas oo ay ku kala eryayeen bannaanbaxayaasha.
Wuxuu xusay in ardayga dhaawacu soo gaaray xilli uu ku sugnaa meel u dhow xaafadda Inqaad ee magaalada Khartuum, balse lagu daaweynayo hadda Isbitaal ku yaalla magaalada.waxaana Ardayda Soomaalida ah ee ugu badan ee qurbaha wax ka barta ayaa dhigtaan Jaamacadaha kala duwan ee dalka Sudan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.