Madaxweyne Xasan Sheekh:- Waxaa cadaatay in Al-shabaab aysan khatar ku aheyn Soomaaliya oo keliya

xeydar September 26, 2013 Comments Off
Madaxweyne Xasan Sheekh:- Waxaa cadaatay in Al-shabaab aysan khatar ku aheyn Soomaaliya oo keliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in Al-shabaab aysan khatar ku ahayn Soomaaliya iyo Afrika oo keliya, balse ay khatar ku tahay caalamka oo dhan sida uu yiri ,wuxuuna intaasi ku daray oo uu sheegay in khatarta ay ku hayso Al-shabaab dunida ay caddeyn u tahay weerarkii ay la beegsadeen xarunta ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi.
“Maanta way cadaatay in Al-shabaab aysan khatar ku ahayn Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed oo keliya, Balse waxay khatar ku yihiin dalalka Afrika iyo kuwa caalamka oo dhan”, sidoo kale madaxweynuhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay dunida oo dhan inay u midoobaan sida uu yiri sidii Al-shabaab loo jabin lahaa, isagoo xusay inay ka go’an tahay dowladda Soomaaliya inay ammaanka dalka adkeyso ayna ka adkaato Al-shabaab.
“Muhiimadda koowaad ee dowladda waa inay adkeyso ammaanka ayna ka hortagto inta awooddeeda ah khatarta Al-shabaab ay ku hayso shacabkeena, inkastoo ay mararka qaarkood wax dhacaan” ayuu yiri madaxweynaha ku daray hadalkiisa, horantii bishan ayuu madaxweynaha Soomaaliya ka badbaaday isku day ay ku doonaysay Al-shabaab inay ku disho, kadib markii gaadiid uu watay oo ku socday degmada Marko lagu weeraray miinooyin wadada dhinaceeda lagu aasay.
Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada gacanta siiya ee AMISOM iyo Itoobiya ayaa waxay sheegatay inay mas’uul ka ahayd weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall oo ahayd goob ay ka dukaameystaan dadka reer galbeedka ah ee ku nool Kenya iyo shacabka Kenya ee hantida haysta.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.