Labo qarax oo ismiidaamin ah ayaa waxaa uu ka dhacay hotelka uu ka degen yahay magaalada Muqdisho Madaxweynaha dhowaan la soo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.
Weerarkan ayaa ahaa qaraxyo ismiidaamin ah oo la doonayay in lagu qaarijiyo madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana wararka ay sheegayaan in madaxweynaha uu ka badbaaday qaraxyadan.
Qaraxyada ayaa waxa ay ahaayeen labo nin oo isku soo xirey waxyaalaha qarxa iyadoo weli mid kamid ah labada nin uusan qarxin balse meydkisa yuu yaal hotelka banaankiisa, halka mid ka mid ah labada nin uu qarxay.
Weerarkan ayaa dhacay xilli uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wadahadalo la lahaa wasiirka arrimaha dibada ee dalka Kenya Moses Watangule oo booqasho kuyimid saaka magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in saddex kamid ah ciidamada amniga ay ku dhinteen weerarkan ismiidaaminta ah ee lagu qaaday hotel Jazeera oo ku yaal agagaarka garoonka dayuradaha ee magaalada Muqdisho.
Weerarkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee lala beegsado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tobankii bishan loo doortay madaxweyneha Soomaaliya.
Wixii ku soo kordho qaraxyadan kala soco website-ka Jiinwabi.net
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.