Golaha Wasiiradda Dowlada Federaalka Soomaaliya oo khamiistii dhaweyd u magcaabay Safiiro cusub Dalalka Imaaradaka Carabta iyo ciraaq ayaa la sheegay in arrintaasi uu khilaaf cusubi ka dhashay kaas oo u dhaxeeya sida lasheegay madaxda sare ee dowladda soomaaliya,gaar ahaan safiirka cusub ee loo magacaabay dalka imaaradka carabta
Gen. Maxamed Sheekh Xasan ayaa loo magcaabaya safiirka cusub ee Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta isagoo bedeli doona Cabdulqaadir Shiikhey Maxamed oo horay xilkaas u hayey sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha kadib Shirkii Golaha Wasiiradda.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ku maqan Dalka dibadiisa ayaa ku gacan sayray magcaabida safiirka cusub sida uu u sheegay warsidaha Garoowe Online Sarkaal sare oo ka tirsan Safaaradda Soomaalidu ku leedahay magaaladda Abu dhabi, “Madaxweyne Xasan Shiikh kama war haynin go’aanka Golaha Wasiiradu lagalamana tashan sidaa darteed wuxuu ku wargeliyey safiirkii hore inuu sii wato shaqadiisa mar ay sameeyeen xiriir xaga isgaarsiinta ah ” Ayuu yiri sarkaal ka tirsan Safaaradda Abu Dhabi oo ka gaabsaday in magaciisa la soo xigto .
Sida uu noo xaqiijiyey sarkaalkaas Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu u cadeeyey Safiirka inuusan aqbali doonin go’aanka Golaha Wasiirada uuna yahay mid aan waafaqsanayn sharciga, marka loo baahdo in la magcaabo Safiir ama Qunsul cusub waxaa soo jeedintiisa iska leh Wasaaradda Arrimaha Dibada kadibna waxay soo hordhigaysaa Golaha Wasiiradda kuwaas oo hadii ay isku raacaan u gudbinaya Madaxweynaha si uu ugu soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dowladda uguna gudbiyo hadba Dalka loo magcaabay sida uu dhigayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
Khilaafkan cusub ee soo kala dhexgalay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ka dhex curta labada masuul iyadoo horay loogu eedaynayey Madaxweynaha inuu maroorsaday awoodii Dastuuriga ahayd ee wasiirka kowaad.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.