Dowladda Soomaaliya oo ciidamo si gaar ah u tababaran u dirtay Kenya si ay u badbaadiyaan…

xeydar September 25, 2013 Comments Off
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo si gaar ah u tababaran u dirtay Kenya si ay u badbaadiyaan…

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo si gaar ah u tababaran u dirtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya si ay xarunta Westgate uga saaraan dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo sedex maalin ka hor ay la wareegeen ciidamada Al-shabaab.

Sida warku sheegayo ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaano Alfa guruub ayaa barqanimadii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo si aad ah u hubeysan si ay uga qeybqaataan dagaalka la doonayo in lagu badbaadiyo dadka weli ku godoonsan xarunta Westgate.

Sarkaal ka tirsan ciidamada nabad sugidda dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaano Alfa group oo ah ciidan si gaar ah u tababaran ayaa sheegay inay ciidamo u direen magaalada Nairobi si ay uga qeybqaataan dedaalada la doonayo in lagu badbaadiyo dadka weli lagu heysto xarunta Westgate.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran ay gaareen halkaasi, waxaana la sheegay inay u diyaargaroobayaan sidii ay gudaha ugu geli lahaayeen xarunta Westgate si ay dadka ku xaniban u soo badbaadiyaan.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar

Rashiid123@gmail.com

www.jiinwabi.net

Bank of Somali Rivers

Mogadisho Somalia

Comments are closed.