Wararka laga helayo caasimada dalka Kenya ee Nairobi gaar ahaan xarunta Westgate Mall ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi weli laga maqlayo rasaasay ay is weedaarsanayaan kooxaha ku jira gudaha xarunta iyo ciidamada dalka Kenya, ayadoona gelinkii dambe ee maanta laga maqlay gudaha xarunta 10 qarax kuwaasi oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay iyo waxa ay ahaayeen.
Uhuru Kenyatta Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamada dowladiisa ay ku guuleysteen in ay gudaha u galaan qeyb kamid ah xarunta, isagoona xusay in ay rajeynayaan in ciidamada ay soo gabagbeeyaan howlgalkooda, sida uu kasoo xigtay Wargeyska The Guardian.
Ururka Laan qeyrta Cas ee dalka Kenya ayaa sheegay in imika geerida ay mareyso 69 ruux dad gaaraya 195 ruuxna ay ku dhaawacmeen weerarka, sidoo kale Laan qeyrta Cas ayaa sheegtay in lasoo badbaadiyay dad gaaraya 1,000 ruux oo gudaha xarunta ay mashaqadu ku qabsatay.
Xoghayaha Wasaarada arimaha gudaha dalka Kenya oo gelinkii dambe ee maanta saxaafada kula hadlay Nairobi ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay guud ahaan la wareegeen xarunta Westgate Mall, isagoona tilmaamay in kooxaha gudaha ugu jira xarunta ay ku dhuumaaleysanayaan meelo ay kamid yihiin suuliyada, sida uu hadalka u dhigay.
Xoghayaha ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dhamaan dadkii ku xanibnaa xarunta lasoo badbaadiyay oo ay badqabaan, waxa uuna xusay in imika aysan jirin dad lagu heysto gudaha xarunta.
Westgate Mall oo ah xarun ganacsi oo ku taala caasimada dalka Kenya ee Nairobi ayaa maalintii sadexaad waxaa gudaha ugu jira dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo sabtidii lasoo dhaafay weerar ku qaaday, ayadoona imika la sheegayo in ay weli gudaha ugu jiraan xarunta, waxaana dowlada Kenya maanta oo Isniin ah ay sheegtay in ay dishay labo kamid ah dagaalyahanada weeraray Westgate Mall.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.