Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyata ayaa shacabka dalkaasi kala hadlay Telefishinka qaranka dalkaasi Kenya, isaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarka ka dhacay Magaalada Nairobi.
Uhurru Kenyatta wuxuu xaqiijiyay in dadka ku geeriyootay dhismaha Westgate Mall ay gaarayaan ilaa 59-ruux,wuxuuna sheegay dhaawaca inuu ka badan yahay ilaa 175-ruux oo dhamaantood ahaa dadka Kenyati iyo ajaanib kale oo suuqa ka adeeganaysay.
Falkaasi ayaa wuxuu ku tilmaamay mid argagax badan oo shacabka reer Kenya uu la qeybsanayo,wuxuuna ku sifeeyay inuu yahay weerarkaan mid argagixisnimo ah.
Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayuu si aad ah ugu mahadceliyay,isaga oo ku ammaanay sida shacabka uga soo bad-baadiyeen dhismaha.
Raga hubaysan ee weerarka ku qaaday dhismaha ku yaala Magaalada Nairobi ayaa ilaa hada la aaminsan yahay inay ku jiraan dabaqa afaraad halkaasi oo ay dad ku haystaan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.