Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa cambaareeyay weerarkii kadiska ahaa ee shalay maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab ay ku qaadday xarun laga dukaameysto oo ku taalla bartamaha Nairobi taas oo lagu magacaabo Westgate Shopping Mall.
Ugu yaraan 59 qof ayaa ku dhimatay, 175 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay maleeshiyada al-Shabaab.
Danjire Cali Ameeriko oo wareysi siinayay telefishinka NTV ee Kenya ayaa cambaareeyay weerarka oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid fulaynimo ah.
Cali Ameeriko wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii shalay lagu dilay weerarka, isagoo caafimaad deg-deg ahna u rajeeyay kuwa dhaawacmay.
Wuxuu uga mahadceliyay dowladda Kenya ciidanka ay u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan maleeshiyada al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna cambaareeyay weerarka.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.