Tirada dhimashada ka dhalatay weerarkii xarunta ganacsiga Nairobi oo sii korartay

xeydar September 22, 2013 Comments Off
Tirada dhimashada ka dhalatay weerarkii xarunta ganacsiga Nairobi oo sii korartay

59-ruux ayaa ku dhintay 175 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar shalay oo sabti aheyd lagu qaaday Xarunta Ganacsiga ee Westgate ee ku taal magaalada Nairobi sida uu xaqiijiyay wasiir ka tirsan dowladda Kenya.
Dableyda hubeysan ee weeraray xarunta ayaa wali ku sugan, iyadoo gelitaankooda Westgate Mall ay ka soo wareegatay 24-saac oo buuxa, taasoo muujineysa inay wali gacanta ku hayaan xarunta ganacsiga.
Wasiirka ammaanka gudaha Joe Lenku ayaa sheegay in la soo bad baadiyay 1000 ruux oo u badnaa ajaniib oo ku jiray xarunta, kadib markii ciidamada kenya ay howl galka ku qaadeen dhismaha.
Waxaa uu sheegay in dabley gaareysa 10-15 ay ku sugan yihiin dhismaha, iyadoo tiro laheystayaal ah oo aan la heyn cadadkooda ay ku jiraan dhismaha kore ee xarunta ganacsiga, iyagoo isku qarinaya dableyda.
Ciidamo fara badan oo Milateriga Kenya ayaa xarunta gaaray, kuwaasoo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman, iyadoo dhamaan dhismaha iyo goobaha ka ag dhow ay yihiin kuwo hareereysan.
Dableyda Hubeysan ayaa la sheegay inay isku soo oodeen dukaan weyn oo daba sare ku yaala, taasoo sii adkeyn karta xaalada, waxaana ay muuqataa in howl galka waqtigiisa sii dheeraan karo, maadaama dableyda ay hubeysan yihiin la heystayaal fara badan ay ku dhex jiraan.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ay dadka su’aalo weydiinayaan inay muslim yihiin, halka dadka kale ee Kirishtaanka ay tooganayeen, waxaa jira mid ka mid ah kooxihii weerarka fuliyay oo inta dharka iska bedelay isku dhex daray dadkii la bad baadinayay ee dhismaha ku jiray.


Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarka ayaa laga xiray barteeda Twitter-ka markii saddexaad, waxaana weerarka ay ka geysatay Westgate Mall ku tilmaamtay mid aargoosi ah.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.