Qaraxyo khasaare geystay oo maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo ajaanib wax ku noqotay

xeydar September 21, 2013 Comments Off
Qaraxyo khasaare geystay oo maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo ajaanib wax ku noqotay

Waxaa maanta Suuqa Weyn ee Bakaaraha gaar ahaan halka loo yaqaan Sarifyaraha ka dhacay qarax bambaano oo lagu weeraray gaari ay saarnaayeen dad ajaaniib ah oo howlo ganacsi dalka u yimid.

Warar hordhaca ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxyada lala eegtay ganacsato yamaniyiin ah oo dalka Keena Oomada Top Kuwaa oo xiliga la weeraray gaari ku dhax marayay gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha.

inta la xaqiijiyay sadax qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay qaraxa oo mid kamid ah uu lasocday raga ajaaniibta ah ee bambaanada lagu weeraray tiro kale uu ku jiro nin yamani ahna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qaraxa.

Kooxihii bambada ku weeraray ganacsatad ajaaniibta ah ayaa durba goobta ka baxsaday waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo katirsan dowlada oo daqiiqado kooban hakad galiyay dhaq dhaqaaqii ganacsi ay ka jiray halka uu weerarku ka dhacay sida goob joogayaal xaqiijiyeen.

Dhinaca kale qarax kale oo bambaano ayaa isna ka dhacay Isgooska Howl wadaag waxaa qaraxaasi qasaaraha ka dhashay lagu sheegay labo qof oo dhaawac ah uu mid kamid ah yahay Askari katirsan Ciidanka Dowlada Soomaalya.

qaraxyada iyo Dilalka qorsheesan ayaa mudooyinkan ahaa kuwo kusoo kordhayay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho iyadoona Dowlada ay wado dadaalo ay ku xaqiijinayaan amaanka balse wali aan ku guuleesan xasilinta amaanka guud ee Caasimada.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.