Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta gaaray Magaalada Kismaayo, maxay kala kulmeen?

xeydar September 21, 2013 Comments Off
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta gaaray Magaalada Kismaayo, maxay kala kulmeen?

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose maanta waxaa gaaray wafdi ka socda hay’adda Qaramada Midoobay kuwaasi oo kulan la qaatay maamulka Magaalada ka jira, C/qani Jaamac oo ah la taliyaha Guddoomiyaha Maamulka KMG ee Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa warbaahinta usheegay in wafdiga maanta tagay Kismaayo ay yihiin kuwa ka socda Xafiiska UNSOM ee xaruntiisa Magaalada Kismaayo masuul ugu sareeya ee xafiiska Kismaayo uu hogaaminaye.

Arimaha kale ee ay kawada hadleen ayuu sheegay inay tahay sidii Hay’addaha Qaramada Midoobay ee dhanka gar-gaarka ay u tagi lahayeen Magaalada Kismaayo si ay adeegyada shacabka uga qabtaan magaalada xafiisyana ay ka furan doonaan.
Ujeedada kale ee wafdiga Qaramada Midoobay ka socda ay utageen magaalada Kismaayo ayuu ku sheegay inay tahay xoojinta heshiiskii Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee dalak Ethiopia.
Tan iyo markii Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba uu dhexmaray heshiis, ayaa waxaa Magaalada Kismaayo kusoo badanaya wafuuda ka socota xafiisyada qaramada Midoobay oo halkaasi tagaysa.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.