DADKII KU SUMOOBAY CAANAHA GEELA OO DARYEEL CAAFIMAAD LOO FIDIYAY

xeydar September 21, 2013 Comments Off
DADKII KU SUMOOBAY CAANAHA GEELA OO DARYEEL CAAFIMAAD LOO FIDIYAY

Maamulka Isbitaalka Daaru Shifa ee Magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay dad ku sumoobay caanaha geela oo shalay la gaarsiiyay isbitaalka Daaru shifa ee Magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabaas Cusmaan oo ah agaasimaha Isbitaalka Daaru shifa ayaa Risaala u sheegay in dadaal dheeri ah kadib ay ku guuleesteen dabiibka bukaanadii kusoo sumoobay caanaha, kadibna iyaga oo caafimaad qaba laga saaray isbitaalka.

Tirada dadka isbitaalka lasoo gaarsiiyay shalay ayuu sheegay inay gaareysay in kabadan 14-ruux kuwaasi oo xilliga isbitaalka la geynaye xaaladooda caafimaad ay aad u liidatay.

Dadkaan ayaa xalay waxa ay ku sumoobeen caano geel ay cabeen goob ay ka jirtay Alle Bari xerada Martiini oo ay dagan yihiin ciidankii naafada xooga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo isla shalay lagu soo booday, durbana isbitaalka Daaru Shifa loola cararay.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.