War degdeg ah: Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo goordhow la wareegay gacan ku heynta degmada Mahadaay

xeydar September 20, 2013 Comments Off
War degdeg ah: Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo goordhow la wareegay gacan ku heynta degmada Mahadaay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Sopomaaliya iyo kuwa AMISOM ay goordhow la wareegeen gacan ku heynta degmada Mahadaay oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Jowhar, halkaas oo ay horay uga talin jireen dagaalyahanada Al-shabaab, waxaana la sheegay in iska horimaad muddo socday uu dhexmaray dhinacyadii la wareegay iyo kuwa lagala wareegay Mahadaay.

Sida ay sheegayaan wararka iska hor imaad ayaa ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Xoogaga Shabaab ee degmada ku sugnaa ku dhex maraya, meel dibada ka ah degmada, Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan labo ruux ay ku dhinteen iska hor imaadka, waxaana Maamulka degmada Mahadaay uu sheegay inay la wareegeen degmada.

Ciidamada dowladda ayaa tan iyo shalay u diyaar garoobayay inay qabsadaan degmada Mahadaay, waxaana saakay ay ka galeen dhinaca Buundada Sabuun, halka Ciidamada AMISOM ay ka galeen dhanka deegaanka Buurane.

Degmada Mahadaay ayaa magaalada Jowhar waxay u jirtaa 30-KM, iyadoo horay ciidamada dowladda inta tageen ay dib u soo laabteen, Waa degmadii 3aad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka tirsan ay la wareegaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.