Abuu Mansuur oo hogaamiya Al-shabaab eedayn kulul u jeediyay, sheegayna inuu ka leexday wadadii saxda aheyd

xeydar September 20, 2013 Comments Off
Abuu Mansuur oo hogaamiya Al-shabaab eedayn kulul u jeediyay, sheegayna inuu ka leexday wadadii saxda aheyd

downloadSheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) Afhayeenkii hore ee Xarakada Al-Shabaab ayaa hadlay mudo kadib tan iyo markii ay soo baxeen in uu ka baxsaday Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose uuna qilaaf soo kala dhax galay isaga iyo Amiirka Al-Shabaab.
Abuu Mansuur ayaa si kulul uga hadlay Dilal Saraakiil katirsan Al-Shabaab ay u geesteen Ciidamo daacad u ah Amiirka Kooxdaasi Axmed Cabdi Godane waxa uuna si kulul u cambaareeyay dilalkaasi kuna tilmaamay mid ka baxsan shareecada Islaam.
Afhayeenkii hore ee Al-Shabaab ayaa xusay in dilalkii loo geestay Ibraahim Afgan ,Macalim burhaan iyo Saraakiil kale oo Shabaab katirsanaa in uu ka dambeeyay Amiirka Al-Shabaab in mudo ahna ay socdeen sida uu xusay falal qaarijinta iyo dhibaatooyin kale ee loo maleegayay saraakiisha AL-Shabaab kuwooda kafikirka duwan Amiirka Al-Shbaab.
Sheekh Muqtaar Roobow ayaa markii ugu horeesay waxaa afkiisa kasoo yeeray Magaca rasmiga ah ee Amiirka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane iyadoona markii hore Shabaab dhaxdooda looga yaqaanay amiirka looguna yeeri jiray Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.