Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray magaalada Baydhabo

xeydar September 17, 2013 Comments Off
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray magaalada Baydhabo

JawaariiGudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoo booqashadiisa ay ku soo aaday, xilli odayaasha iyo waxgaradka beelaha ka soo jeeda Digil iyo Mirifle ay muddo labo cisho u qabteen Xildhibaanada iyo wasiirada uga midka ah dowladda Soomaaliya.
Prof, Jawaari ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno ka tirsan Baarlamaanka ee ka soo jeeda beelaha digil iyo mirifle, iyadoo lagu wado inay kulamo la qaataan qeybaha bulshada ku dhaqan Gobolka iyo odayaasha si ay ugala hadlaan waxyaabo ay tabanayaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Baydhabo, waxaana la sheegay in ammanka aad loo adkeeyay, ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka.
Safarka Gudoomiyaha baarlamaanka uu maanta ku tagay Baydhabo ayaa waxaa ka horeeyay booqasho saaka barqadii ay xubno ka tirsan baarlamaanka iyo siyaasiyiin ay ku tageen magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhowaan ka dhacay banaan bax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya, iyadoo odayaasha iyo waxgaradka beelaha digil iyo mirifle ay aad u saluugsan yihiin heshiiskii Addis Ababa ee dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba.
Qorshayaal lagu dhisayo maamul goboleed ayaa beryihii u dambeeyay ka socday magaalada Baydhabo, iyadoo xiisada siyaasadeed ee dowladda uga furantay Baydhabo ay tahay mid culeyskeeda leh, maadaama beelaha Digil iyo Mirifle ay cadeeyeen in wax badan oo xuquuqdooda ah la duudsiiyay.
Wixii ku soo kordha safarka Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Baydhabo kala soco wararkeena dambe.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.