Ciidamada amaanka Puntland oo wata gaadiidka dagaalka iyo kuwa lagu qaado maxaabiista ee loo yaqaan shabaqlaha ayaa waxay saaka Hawlgal amaanka lagu xaqiijinayo ka bilaabeen bartamaha magaalada Gaalkacyo gaar ahaan suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada ayaa la arkayay iyagoo qab qabanaya shaqsiyaad ay uga shakiyeen ku lug lahaanshaha falalka amaan darro ee magaalada Gaalkacyo ka dhaca, waxayna dad badan ka qab qabteen bartamaha suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo.
Haddaba Taliye Kuxigeenka ciidamada Booliska Puntland General Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa Saxaafada uga Waramay Howl Galadaas
Comments are closed.