Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey go’aankii ka soo baxay shirkii culimada Soomaaliyeed ee looga hadlayay xagjirnimada iyo heshiiska dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba.
Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa Saxaafada u sheegay in kulanka oo uu shir guddoominayay raysul wasaaraha Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon si buuxda loogu taageeray qodobbadaasi.
Dhinaca kale, wasiirka wuxuu xaqiijiyay in sagaashanka cisho ee soo socota gudahooda lugu qaban doono dalka shir ay kasoo qaybgalayaan culimada Islaamka ee caalamka,
Kaas oo lugu xoojinayo fatwada ay culimadu kasoo saartay shirkii shalay lugu soo gabagabeeyay Muqdisho ee looga hadlayay xagjirnimada iyo sidii looga hortagi lahaa Al-Shabaab.
cumar c/rashiid
cumarrashiid@gmail.com
Comments are closed.